Real Madrid Oo Xulaneysa Saddex Goolhaye Midkood Inuu Noqdo Bedelka Navas


Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso saxiixa goolhaye cusub oo lambarka koowaad ah bisha Janaayo.

Los Blancos ayaa ku dhibtooneysa inay hesho goolhaye fiican tan iyo markii Iker Casillas ka tagay sannadkii 2015kii.

Kooxda La Liga ka dhisan ayaa ku dhawatay inay heshiis la gaarto goolhayaha Manchester United David De Gea sannadka 2015kii, laakiin qalad dhacay maalintii ugu dambeysay suuqa ayaa keenay inuu fashilmo heshiiskiisa.

Haatan waxay doonayaa in ay helaan seddex goolhaye midkood , kuwaasoo kala ah De Gea, goolhayaha Athletic Bilbao Kepa Arrizabalaga iyo Thibaut Courtois oo u ciyaara Chelsea.

Goolhayaha Chelsea Thibaut Courtois ayaa diiday inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo kooxdiisa, waana shaqsiga ugu dhaw ee u dhaqaaqi kara caasimada Spain xili Jose Mourinho uusan iibin doonin David De Gea.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS