Sadio Mane Oo Sharaxay Sababtii Uu Ugu Qeyliyay Tababare Klopp Kadib Kulankii Chelsea- Miyuuse Jiraa Khilaaf?


Sadio Mane ayaa beeniyay wararka sheegaya in ay isku dhaceen tababaraha Liverpool Jurgen Klopp kadib markii saxaafada ay wax ka qortay inuu jiro dagaal kala dhaxeeya tababarihiisa.

Weeraryahanka Liverpool Sadio Mane ayaa shaaca ka qaaday inaysan wax dhibaato ah kala dhaxeyn Jurgen Klopp, inkastoo labada shaqsi dood adag ay dhaxmartay ka dib markii ay 1-1 Reds la galeen Chelsea.

Mane ayaa kusoo bilowday kursiga keydka kulankii Anfield ee sabtidii ka hor inta uusan bedel ku keenin tababare Klopp.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga reer Senegal ayaa hoos u dhigay wararka saxaafada buunbuunisay ee sheegaya inuu dagaal kala dhaxeeyo tababare Klopp.

“Waxa uu i weydiiyay inaan ka ciyaaro dhinaca midig, hal mar waxaan isku dayey inaan ka codsado ka ciyaarista booska sagaal,” Mane ayaa u sheegay Sky Sports News.

Natiijada sawirka Mane and Salah

“Mo Salah iyo aniga ayaa is garab joognay, tababaraha ayaa markaas ku qaylinayay Sadio waxaaad ka ciyaartaa dhinaca midig.

 

“Ciyaarta ka dib waxaan u sheegay tababaraha inay fududeyn maqalka wax walba, mana jirin wax intaas ka badan oo dagaal ah ayuu yiri Sadio Mane.

 

Laakiin qeylado waxay aheyd mid saaxiibtinimo ah, ma ahayn wax kale, Dhibaato ma jirto, waan wada hadalnay, waxaana uu ii sharraxay ciyaarta ka dib waxa dhacay.

 

25 jirkaan oo seddex gool iyo labo caawin ka sameeyay horyaalka xilli ciyaareedkan waxa uu sheegay inay adag tahay inuu aqbalo markale ka ciyaarista kursiga keydka.

 

“Ma aheyn wax sahlan, waa xilli adag, laakiin waa qeyb ka mid ah kubada cagta, waana dhici kartaa inaad aqbasho taatikada macalinka” ayuu yiri Mane.

 

“Waa muhim inaan dib u soo laabto, waxaan dareemayaa wanaag ayuu yiri Mane.”

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS