Klopp Oo Diiday Inuu Ka Hadlo Murugada Reds Ka Hor Kulanka Stoke, Miyuuse Keydka Dhigi Doonaa Markale Firmino & Sadio Mane?


Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa difaacay kooxdiisa ka dib markii ay laba barbaro oo xiriir ah la galeen kooxaha Sevilla iyo Chelsea.

Reds ayaa goolka sedaxaad kulankii Sevilla ee Champions League laga dhaliyay daqiiqadii ugu dambeysay, halka Willian kulankii sabtida uu waqti dambe kaga dhaliyay Anfield gool barbaro ah.

“Lama yaabo inaan ka shaqeysiino maskaxdeena,” Klopp ayaa sidaasi yiri mar uu la hadlayay saxaafada ka hor kulanka Stoke.

Tababaraha Jarmalka ayaa lagu qasbay inuu ka jawaabo sababta keentay inuu keydka dhigo Roberto Firmino, Sadio Mane iyo Georginio Wijnaldum kulankii Chelsea.

 

Waxaana uu yiri “Waxaad ubaahan tahay inaad haysato ikhtiyaar, haddii aadan haysan fursado markaa waxaa tahay qof lunsan.

 

“Kooxaha kale iyo kulamada kale waa inaan ka fakirnaa, tusaale ahaan arbacada waxaan wajaheynaa Stoke, miyuu yahay kulan sahlan?

 

“Ma sameyn wax qaldan waayo waxaa ciyaaray Alex Oxlade-Chamberlain oo u qalma daqiiqad kasta inuu kujiro garoonka, si lamid ah Daniel Sturridge wuu u qalmay ciyaarta ayuu yiri tababaraha Liverpool.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS