Gianluigi Buffon Oo Wax Ka Bedelay Go’aankii Uu Kaga Fariistay Ciyaaraha Heerka Caalami..


Haddii Italy ay isoo wacaan mar kale waa u ciyaari doonaa, Gianluigi Buffon ayaa sugi doona inuu markale xirto maaliyada xulka qaranka kadib markii uu dhawaan ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah.

Gianluigi Buffon ayaa si maldahan u sheegay inuu kusoo laaaban doono xulka qaranka Italy isagoo sheegay inuu marnaba diidi Karin inuu difaaco dalkiisa.

Goolhayaha Juventus ayaa sheegay ka dib guuldaradii ugu dambeysay ee isreebreebka Koobka Adduunka xulkiisa kasoo gaarto Sweden inuu ka fariistay ciyaaraha caalmiga ah kadib 175-kulan oo uu usaftay xulkiisa Italy.

Si kastaba ha ahaatee, 39 jirkaan ayaa sheegay inuu marwalba diyaar u yahay inuu ka jawaabo wicitaanka dalkiisa iyo inuu matalo markale.

“Waxaan fasax ka qaatey xulka qaranka, laakiin marnaba ma diidi doono mustaqbalka haddii la ii baahdo,” ayuu u sheegay suxufiyiinta goolhayaha Juventus.

“Waxaan ku jiraa da ‘gaar ah, sidaas darteed waa sax in aan qaato xili nasasho ah, laakiin ma diidi doono inaan markale u ciyaaro xulka qaranka Italy ayuu yiri Buffon.

Buffon ayaa hore u sheegay in xilli ciyaareedkan uu noqon doono kii ugu dambeeyey ee uu u ciyaaro Juventus haddii uu ku guuleysto Champions League.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS