FALANQEYN: Real Madrid VS Fuenlabrada- Los Blancos Oo Dooneysa Inay Gaarto Wareega 16ka Copa del Rey..


Kooxda heysata horyaalka La Liga ee Real Madrid ayaa bartilmaameed ka dhigan doonta caawa in ay gaarto wareega 16ka Copa del Rey marka ay martigelinayaan kooxda yar ee Fuenlabrada lugta labaad ee wareega 32da koox ee koobka boqorka Spain.

Zidane iyo kooxdiisa ayaa haatan sideed dhibcood ka dambeeya horyaalka La Liga kooxda hogaamineysa ee Barcelona, waxaana ay kujiraan kalainta afaraad ee kala sareynta horyaalka Spain.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Santiago Bernabeu

SAACADA: 11:30 PM ( SHAN SAAC & BAR HABEENIMO)

MAXAA CUSUB?

Los Blancos ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigtay isbuucyadii u dambeyay ka dib markii laba guuldarro ay kasoo gaartay kooxaha Girona iyo Tottenham La Liga iyo Champions League.

 

Kooxda Zinedine Zidane ayaa badisay seddex kulan, waxaana ay barbaro gashay mid ka mid ah kale afartii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan.

 

Waxa ay 3-0 ku garaaceen kooxda Las Palmas, ka hor inta aysan barbaro goolal la’aan ah la galin kooxda Atletico Madrid.

 

Labadii kulan ee ugu dambeysay Real Madrid ayaa guulo waaweyn ka gaartay kooxaga APOEL iyo Malaga oo ay isku dar ka dhaliyeen 9 gool.

 

Zidane ayaa saxaafadda u sheegay ka dib markii ay guul ka gaareen Malaga: “Marka kooxuhu halkan yimaadaan waxay u ciyaaraan si ay u badbaadiyaan noloshooda, haddii aanan gaarin heer aad u sareeya waxaa dhici karta in aan wajahno dhibaatooyin dheeraad ah.

 

“Waxaan ciyaari karnaa ciyaar fiican haddii aan isku dayno waan badin karnaa ayuu hadalkiisa ku daray macalinka Real Madrid.

 

Kooxda martida loo yahay ee Madrid ayaa waxaa caawa ka maqan Jesus Vallejo oo ganaax ah, halka Marco Asensio, Gareth Bale, iyo Sergio Ramos ay sidoo kale dhaawacyo qabaan.

 

Kooxda martida ah ayaan awoodi doonin inay u yeerto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Paco Candela, kaasoo ganaax ku maqan.

 

XAQIIQADA KULANKA

Cayaartii lugta hore ee labada koox bil ka hor ku kulmeen magaalada Fuenlabrada waxay ahayd ciyaartii ugu horeeyay abid labada koox ku kulmaan.

 

Inkastoo Zidane uu isticmaalay line-up isku dhafan, Real Madrid ayaa ku guuleystay goolal ka yimid Marco Asensio iyo Lucas Vazquez.

 

Cristiano Ronaldo ayaa hogaaminaya gooldhalinta Madrid kadib markii uu dhaliyay 11 gool 16 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, laakiin waxay u badan tahay in la nasin doono caawa.

 

Kooxda Fuenlabrada ayaa ku kalsoon awooda hogaamiyahooda Dioni ,27 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa dhaliyay 9 gool 19 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xili ciyaareedkaan.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS