Conte Oo Ka Cabanaya Taakalo Joogta Ah Oo Uu Kala Kulmo Ciyaartooyda Chelsea Iyo Kuwa Kooxaha Kale- Miyeyse Cabsi Gelisaa Taas?


Eden Hazard ayaa qirtay inuu jecel yahay inuu kaliya si gaar ah u qaato tababarka fudud ee kooxdiisa si uu kaga fogaado in la garaaco lugihiisa.

Weeraryahanka Chelsea ayaa inta badan bartilmaameed u ah ciyaartooyda kooxaha kasoo horjeeda maadaama uu yahay xiddiga goolasha dhaliya islamarkaana abuura fursadaha.

Hadalka Hazard ayaa ka careysiin doona madaxda Chelsea, kuwaasoo aaminsan in garsoorayaasha aysan si cadaalad ah waxba ugu qaban dhibaatada loo geysto Xiddigooda.

‘Miyaan ka ilaaliyaa lugahayga tababarka? Haa, haa, haa!, tababarka uma qaato si adag, “ayuu yiri Hazard. ‘Marka aan la tababaranayo dadka qaarkiis way waalan yihiin, ma rabo inaan tababar la qaato ciyaartooy qaar.

Eden Hazard falls towards the floor after being tackled

Hazard ayaa sheegay in mararka qaar uu isku dayo inuu fasax ka qaato tababarka joogtada ah ee kooxda si uu kaga badbaado halis badan.

Ma lihin fasaxyo badan xilli ciyaareedka, sidaa darteed waxaan isku dayaa inaan tababar qaato in ka badan nasashada, Marka aan garoonka ku jiro waxaan la kulmaan dagaal toos ah, laakiin taasi waa qeyb ka mid ah kubada cagta mana ka cabsanayo.

 

Hazard ayaa loo arkaa ciyaaryahanka ugu fiican horyaalka Premier League tan iyo 2014kii, waxaana uu inta badan taakalo ciriiri ah uu kala kulmaa ciyaartooyda kooxaha kaoso horjeeda.

 

Chelsea ayaa 11 dhibcood ka hooseysa hadda kooxda hogaanka u heysa horyaalka Premier League ee Manchester City.

Haddii kooxda Conte ay dooneyso in ay difaacato horyaalka Barclays Premier League, waa inay soo xerogeliyaan ciyaartooy muhiim ah sida uu aaminsan yahay tababaraha kooxda

Xiddiga reer Belgium Eden Hazard, ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ka dib markii dhaawac kasoo laabtay xilli ciyaareedkaan.

Hazard ayaa si fiican u ciyaaraya isagoo iskaashi fiican la leh Alvaro Morata, inkastoo uu ku guuldarreystay inuu saameyn weyn ku yeesho kulankii Liverpool.

26 jirkaan ayaa khadka dhexe ka ciyaarayay, Conte ayaana dareensan in damaciisu yahay in Hazard uu door ku yeesho ka ciyaarista khadka dhaxe.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS