Antonio Conte Oo ka Walaacsan Dhaqaalaha Manchester City & Qorshaha Pep Guardiola Ee Suuqa Janaayo…


Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa qiray in Manchester City ay lacag badan ku qarash gareyn doonaan suuqa kala iibsiga ciyartooyda bisha Janaayo

Manchester City ayaa haatan sideed dhibcood kaga hogamineysa horyaaalka Premier League kooxda kusoo xigta ee Manchester United, waxaana 11 dhibcood ay ka sareeyaan Chelsea oo fadhiya kaalinta 3aad ee kala sareynta.

Kooxda Pep Guardiola ayaa ku qarash gareeysay xilli ciyaareedkaan suuqa kala iibsiga lacag waali ah, waxaana laga yaabaa inay ciyaartoy dhowr ah markale soo iibsadaan bisha Janaayo, taasoo walaac ku ah tababare Conte.

Macalinka Italy ayaa la sheegay inuu ka niyad jabay siyaasadda suuqa kala iibsiga kooxda Chelsea kadib markii uu waayay dhowr ciyaartooy oo uu u baahnaa in loosoo iibiyo.

“Manchester City waa mid cajiib ah, City xilli ciyaareedkan waa koox xoog leh, xilli ciyaareedkii hore waxa ay aheyd koox fantastik ah”ayuu yiri Conte oo la hadlayay FourFourTwo.

“Kadib marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo waxay iibsan doonaan ciyaartooy bartilmaameed u ah, wayna adag tahay markaas in lala tartamo ayuu yiri Conte.

 

“Waa inaan ka walwalnaa qorshahooda, waayo tartanka horyaalka ayaan kula jirnaa Manchester City ayuu hadalkiisa ku daray macalinka Chelsea Antonio Conte.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS