Matteo Darmian caasimada Talyaaniga ayuu bisha Janaayo aadi doonaa…


Daafaca kooxda Man United Matteo Darmian wuxuu go’aansaday inuu dib ugu laabto Serie A-da Talyaaniga marka uu suuqa Yurub dib u furmo sanadka cusub.

 

Sida Corriere dello Sport soo daabacday Darmian wuxuu doonayaa inuu si joogto ah u cayaarayo todobaad walbo mana ka helaayo garoonka Old Trafford rabitaankiisa.

 

Sidaa darteed daafacii hore kooxda Torino wuxuu wada hadal ku jiraa naadiga AS Roma oo boos joogto ah u balan qaaday.

 

Roma ayaa diyaarineyso 20-milyan oo euro ah wuxuuna agaasime Monchi ku kalsoon yahay qiimahan lacageed inaysan Man United ka diidi doonin.

 

Matteo Darmian xitaa wuxuu diyaar u yahay inuu Roma amaah ku aado kuna qal qaaliyo Man United inay dalabka Roma aqbalaan halkii keedka Old Trafford lagu keun lahaa 27-jirkaan keedka United.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS