DAAWO: Sheekh Umal oo si yaab leh uga jawaabay Iscasilaadii Maryan Qaasim…


Sheekh Umul oo kamid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa ka dhawaajiyey inay aheyd in xilka laga qaado haddii ay Wasiirkii Gargaarka Maryan Qaasim isku casishay in yar oo masaakiin la siinayey oo aan iyada loo dhiibin.

Sheekh Umul oo ka jawaabayey Su’aal lasoo waydiiyey oo aheyd

” Wasiirada is casishay soo suuragal maahan inay wadaadada wadada u galeyn oo xilkii ka boobeyn”

Sheekh Umul ayaa sheegay inaysan isaga wax badan ka khuseyn haddii ay Wasiiradda isku casishay xil ay ka boobeyn Wadaadada iyo Guddiga ay lacagta ku wareejiyeen.

Wuxuu sheegay Sheekh Umul in iyaga hantidii loogu deeqay dadkii Musiibada ku dhacday ay ku wareejiyeen Dowladda Soomaaliya iyo guddigii arrintaas loo xil saaray.

Wuxuu sheegay haddii ay dadkii uu lacagta ku wareejiyey ay dhaceyn xilkii Wasiir Maryan Qaasim ay iyaga arrintaas ka jawaabi doonaan, balse wuxuu sheegay inuu isaga xaqiijiyey inay Guddigaas ahaayeen dadkii loo xil saaray aruurinta deeqaha loogu talagalay dadkii ay musiibada ku dhacday.

Haddaba halkaan hoose ka daawo Sheekh Umul oo arrintaas ka hadlayo:

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS