XOG: Al-shabaab Oo Qafaashay Lix Gaadiid Oo Nooca TM-ka Ah Iyo Qaraxyo La Baqayo Iney..


Warar si hoose ay u heshay Shabakada Xoghoose.com ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyada Al-shabaab ay gobolka Galgaduud ka qafaasheen Lix gaari oo nooca TM-ka ah.

Gaadiidkan ayaa la sheegay in darwalladii wadayey ay xoog uga dejiyeen, iyaga oo u sheegay in gaadiidkaasi loogu adeegay DFS, sidaasina ay iyaga ku qaadanayaan.

Cabsi badan ayaa hadda jirta, sababtoo ah, waxaa laga baqayaa in Al-shabaab ay gaadiidkaasi u adeegsadaan qaraxyada.

Gaarigii lagu qarxiyey Isgoyska Zoobe ayaa ahaa TM (Tii-em) wixii markaasi ka dambeeyay waxay AL-shabaab bilaabeen in gaadiidkaasi ay uruursadaan.

Milkiilayaasha qaar ee gaadiidkaan ayaa inoo sheegay in hadda ay isku dayeen in waanwaan lagu soo qaado, balse aanay muuqan rajo wanaagsan.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS