Sedex naadi oo Serie A-da ka dhisan ayaa isku heestaan saxiixa daafaca Man United u baahneyn…


Sida La Gazzetta Dello Sport daabacday kooxaha Juventus, Napoli iyo AS Roma ayaa isku heestaan saxiixa daafac aysan Man United u baahneyn.

Matteo Darmian wuxuu doonayaa inuu dib ugu laabto Serie A-da Talyaaniga marka uu suuqa Yurub dib u furmo bisha Janaayo waxaana haatan saxiixa isku heestaan sedex naadi oo xili cayaareedkan koobka horyaalada Yurub Talyaaniga u matalayaan.

Matteo Darmian muhiim uma ahan Man United waxaana marwalbo ka horeeyaan daafacyada kala ah Ashley Young, Antonio Valencia iyo Daley Blind.

 

27-jirkaan ma doonayo inuu keedka Man United sii fadhiyo madaama labada sano Old Trafford uu joogo uusan aqoonsi rasmi ah kooxdiisa ka helin.

 

Darmian xili cayaareedkan 3-kulan ayuu Man United u cayaaray EPL sidaa darteed naadigii 20-milyan oo pound la timaado ayaa laga iibin doonaa.

 

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS