Ka dib Doorashadii Trump Weerarada Somalia oo Kordhay (5 Weerar 5tii Maalmood ee u Dambeysay)


Sida ay sheegayaan hoggaanka ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, sanadkan 2017ka waxaa ay ciidamadooda qaadeen weeraro ka badan kuwii sanadkii hore,

Sida afhayeen u hadlay  AFRICOM uu u sheegay  wakaaladda Associated Press,  weerarada Mareykanka ay sanadkan qaadeen waa 26 weerar, 5 ka mid ah waxaa ay qaadeen wixii ka dambeeyay November 9.

Militariga Mareykanka waxaa ay bishan 11-keeda weerar ku qaadeem Al-shabaab, Galgaduud, maalin kadib waxaa ay qaadeen labo weerar, mid ka dhacay Jilib, Basra iyo mid ay ka geysteen Puntland, bariga Soomaaliya.

Mareykanka inta badan waxaa ay qoraalkooda ku sheegaan in weeraradan u qaadaan qaab is-difaacid ah, waana siyaasad cusub oo timid kadib markii la doortay madaxweyne D. Trump.

Bishii March ee sanadkan Trump waxaa uu ogolaaday in ciidamada Mareykanka ay bartil-maameedsan karaan Al-shabaab, isaga oo siiyay awoodo dheeraad ah.

 

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS