Jees-Jeeskii Zlatan Ibrahimovic, Beentii Mario Balotelli, Gianluigi Buffon Oo Calaacalaya & Sida Dunida Kaga Hadashay Italy Oo Seegay Koobka Adduunka…


Zlatan Ibrahimovic ayaa si deg deg ah uga hadlay in xulkiisa Sweden usoo baxeen Koobka Aduunka kadib markii ay barbaro goolal la’aan ah ku galeen xalay garoonka San Siro.

Sweden waxaa saaciday guushii1-0 oo ay kusoo gareen toddobaadkii hore gurigooda, waxaana cel-celis ahaan ay kusoo baxeen natiijada labada lug 1-0.

Azzurri ayaa seegay koobka adduunka markii ugu horeysay tan iyo sannadkii 1958, waana ku dhawaad lix sanno kadib.

 

Mario Balotelli ayaa ku soo qoray boggiisa Instagram ka hor ciyaarta, fariin u uu ku dhiiro galinayay taageerayaasha dalkiisa hooyo.

 

Ibrahimovic, oo ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah, ayaa ku sawiray bogiisa bulshada guusha Sweden iyo sida ay ugu dabaaldegeen garoonka San Siro.

 

Dhanka kale, halyeeyga Italy Gianluigi Buffon oo careysnaa ayaa ciyaarta ka dib yiri: “Kama xumaanayo naftayda, laakiin dhamaan kubada cagta Talyaaniga ayaa si isku mid ah ugu xumaaday waxa dhacay.

 

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS