DEG DEG: Al shabaab Qaraxyo geysan rabay oo meel fagaare ah lagu soo Bandhigay+SAWIRRO


Maamulka Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa maanta meel fagaare ah shacabka ku nool degmadaasi ugu soo bandhigay dagaalyahano ka tirsan Al shabaab oo doonayay in qaraxyo ay ku halaagaan nolosha shacabka aan waxba galansan.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgalo ay sameeyeen degmada Luuq iyo deegaanada ku dhow dhow waxay dhawaan kusoo qabteen ragan Al shabaab ka tirsan oo ku guda jira diyaarinta weeraro qaraxyo ah oo ay doonayaan inay ku xasuuqaan shacabka.

Maleeshiyadii la soo bandhigay ayaa shacabka hortooda ka qirtay in ay ka tirsan yihiin Al shabaab, isla markaana ay qorsheynayeen inay dhibaato geystaan.

Maamulka degmada Luuq iyo Saraakiil kale oo goobta ka hadlay ayaa u mahad celiyay ciidamadii howlgalada ku soo qabtay ragan doonayay inay qarxiyaan shacabka, waxayna balanqaadeen in cadaalada la marsiin doono.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS