Weeraryahankii Hore Ee Liverpool Fernando Torres Oo Doonaya Inuu Ku Laabto Premier league- Kooxdee Ayuu Ku Biiraya?


FERNANDO TORRES ayaa doonaya inuu ku laabato Premier League, sida ay sheegayaan wararka.

Waxaa la sheegay in Newcastle United iyo Southampton ay doonayaan weeraryahankii hore ee Liverpool kaasoo dib ugu laaban kara England.

Torres ayaa haatan waqti adag ku qaadanaya kooxda Atletico Madrid, waxaana uu ciyaaray kaliya labo kulan xilli ciyaareedkaan.

Antoine Greizmann iyo Angel Correa ayaa haatan kaga horeeya weerarka Atletico Madrid, iyadoo xitaa Diego Costa uu ku biiray kooxda ka dhisan Madrid.

Weeraryahankii hore ee Chelsea Torres ayaa qandaraaskiisa uu dhacayaa dhamaadka xili ciyaareedkaan.

 

Wargeyska The Sun ayaa sheegaya in wakiilada Torres ay u ogolaadeen madaxda Atletico in ay ka dhaqaaqaan kooxda bisha Janaayo.

 

Tababare Benitez iyo hogaamiyaha Southampton Mauricio Pellegrino ayaa labaduba isha ku haya xaalada Farnando Torres.

Torres ayaa 18 bilood uu kaga haray qandaraaskiisa, waxana uu qorsheynayaa inuu dib ugu laabto horyaalka Premier League.

Tababare Benitez ayaa £ 26.5million ku geeyay Anfield 2007, waxaana Torres uu ahaa waqtigaas wiil laga jecel yahay kooxda Atletico Madrid.

Sidoo kale Tababare Pellegrino ayaa si fiican u yaqaana Torres, maadaama ninka reer Argentine uu ka qeyb ahaa shaqaalihii tababarka Liverpool.

Torres ayaa dhaliyey 65 gool 113 kulan oo uu u saftay Reds, ka hor inta uusan kula guuleysan kooxda Chelsea tartamada Champions League, Europa League iyo FA Cup.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS