WARBIXIN: Real Madrid Oo 80 milyan Kula Wareegeysa Bisha Janaayo Xiddigii Xalin Lahaa Dhibaatada Kooxda…


Real Madrid waxaa heysata dhibaato dhanka daafaca ah, sabab la xiriirta dhaawacyada hareynaya kooxda koowaad ee Zidane.

Kooxda horyaalka Isbaanishka iyo kan Yurub difaacaneysa ayaa dooneysa inay mar kale suuqa ku qarsh gareyso lacag badan bisha Janaayo.

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mirror, Los Blancos ayaa dooneysa inay dalab u dirto daafaca lagu magcaabo Marquinhos.

Xiddiga Paris Saint-Germain ayaa lagu qiimeeyaa 80 milyan oo euros, waxaana uu kalsooni ku qabaa tababare Zidane inuu heli karo bisha Janaayo.\

Real Madrid ayaa ugu yeertay shaxda koowaad Achraf Hakimi, iyadoo Marcelo, Carvajal iyo Theo Hernandez dhaawacyo la maqan yihiin.

Los Blancos ayaa sideed dhibcood ka dambeysa kooxda horyaalka hogaamineysa ee Barcelona, waxaana ay ku jiraan kaalinta 2aad ee Group-kooda tartanka UEFA Champions League.

Sergio Ramos disagreed with ‘opportunist’ Cristiano Ronaldo over Real Madrid woes

Marka laga reebo dhaawacyada, ciyaartoyda Madrid ee Sergio Ramos, Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema ayaa ku bilowday si xun xilli ciyaareedkaan, iyadoo Gareth Bale uu muddo afar isbuuc ah la maqan yahay dhaawac.

Zidane ayaa dareensan in Marquinhos, Varane iyo Ramos muhiim u noqon karan kooxdiisa xili ciyaareedka dambe.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa sidoo kale ka ciyaari kara daafaca garbaha, taasoo cadaadis badan ku noqon doonta Marcelo iyo Carvajal.

Barcelona ayaa sidoo kale isha ku heysa inay lasoo saxiixato Marquinhos, halka Manchester City iyo Manchester United ay dalab ka gudbiyeen ciyaaryahanka reer Brazil.

Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa in uu ku booriyay mamaulka Citizens inay mar kale isku dayaan saxiixa daafaca PSG Marquinhos.

Marquinhos oo kamid ah daafacyada ugu fiican haatan kubadda cagta, Waxaa laga yaabaa inuu ka dhaqaaqo kooxda ka dhisan France bisha Janaayo.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS