Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartooyda & Wararka Wargeysyada Ay Qoreen Maanta….


Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa doonaya inuu ku arko kooxdiisa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham Dele Alli oo 21 jir ah ka hor inta uusan Real Madrid ku biirin. (Don Balon – Isbanish)

Weeraryahanka Atletico Madrid Fernando Torres oo 33 jir ah ayaa doonaya inuu ku laabto Premier League, iyadoo Southampton iyo Newcastle ay xiiseynayaan. (Daily Mirror)

Manchester United ayaa isku diyaarineysa inay bixiso 177 milyan oo ginni si ay ula soo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Marco Asensio, oo 21 jir ah. (Don Balon – Isbaanish)

Manchester United ayaa dooneysa inay 22 jirka daafaca bidix uga ciyaara England ee Luke Shaw ku iibiso 20 milyan oo ginni bishii Janaayo. (Times)

Manchester City iyo Juventus ayaa ku dagaalamaya saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Emre Can marka uu dhamaado qandaraaskiisa Reds (Daily Star)

 

Patrice Evra ayaa xiriir la leh kooxo dhowr ah oo xiiseynaya in ay xor ku qaataan kadib markii la kansalay heshiiskiisii Marseille, (Gazzetta dello Sport – Talyaaniga)

 

Weeraryahanka West Ham Marko Arnautovic oo 28 jir ah ayaa la sheegay inuusan iib aheyn bisha Janaayo. (Kurier – Jarmal)

 

Weeraryahanka Arsenal Olivier Giroud, oo 31 sanno jir ah, ayaa sheegay inuu mustaqbal ku laheyn koxda ka dhisan Premier League ee Arsenal. (Independent)

 

Liverpool ayaa diyaar u ah inay £ 5m ku qarash gareyso saxiixa 17 jirka khadka dhexe ee kooxda Wolves Morgan Gibbs-White bisha Janaayo. (Sun)

 

Daafaca Manchester United Matteo Darmian oo 27 jir ah ayaa waxaa doonaya kooxo talyaaniga ka dhisan sida Juventus, Napoli iyo Roma. (Gazzetta dello Sport, via Daily Mirror)

 

Daafaca Barcelona Thomas Vermaelen oo 31 jir ah ayaa sheegay in kooxda Everton uu ku biiri karo xagaagan (Liverpool Echo)

 

Paris St-Germain ayaa ka fiirsaneysa inay iska fasaxdo Unai Emery, inkastoo aan laga badin 17 kulan oo xiriir ah. (Yahoo)

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS