TOP NEWS:-Booliska Somaliya Oo Sir Muhiim ah Ka Helay Gadiidka Is qarxiyo oo…


Taliyaha KMG ah ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka digay in dadka Shacabka ah been loo sheego,islamarkaana amnigooda la qalqalgeliyo, waxaana uu been abuur ku tilmaamay warar soo baxayay oo sheegaya in gaadiid qaraxyo sida ay ku jiraan magaalada Muqdisho.

Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay in aan la aqbali doonin waxkaste oo amniga dadka Shacabka ah wax u dhimaaya..

“Waxaa maalmahan soo noq-noqonayay kalmado ah in gaadiid qaraxyo ay magaalada ku jiraan, warkaas waa waxba kama jiraan, waxaa shacabka ka codsanayaa in hey’adaha ammaanka ku soo wargeliyaan wax kasta oo amniga lid ku ah iyo hadii ay wax arkaan”ayuu yiri Kusimaha Taliyaha Booliska.

“Waxaa kaloo jira in la leeyahay baabuur AMISOM laga qabsaday in cadawga isticmaalayo, in garoonka diyaaradaha laga cararay, warkaas dhan waa waxba kama jiraan, garoonka waa caadi, diyaaraha waa ka soo degaan, warkaas waa wax aad u fool xun oo lagu qalqal gelinayo shacabka” ayuu hadalkaasi kusii daray Jen Mukhtaar.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS