Kooxdee Ayuu Taageeraa 8 Jirka Uu Dhalay Kabtankii Hore Ee Man Utd Weyne Rooney!?


Kabtankii hore ee Manchester United Weyn Rooney, kaasoo haatan kusugan kooxda Everton, ayaa la sawiray wiilkiisa oo xiran Jaakada kooxda Barcelona, taasoo keentay in hadal heyn badan laga sameeyo.

Qofna shaki kama qabo jaceylka Wayne Rooney u qabo kooxaha Everton iyo Manchester United, labada kooxood ayaana ah kuwa uu ku qaatay xirfadiisa ciyaareed oo dhan, laakiin sawirka wiilkiisa ayaa muujinaya dareen ka duwan kan aabihiis.

8 jirkaan ayaa u saxiixay kooxda dhalinyarada Manchester United horaantii sannadkaan, laakiin waxaa la rumeysan yahay inuu yahay taageere weyn oo Barcelona ah.

Kabtankii Hore ee England Rooney ayaa soo dhigay bartiisa bulshada isaga iyo wiilkiisa oo xiran jaakada tababarka kooxda Barcelona.

 

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS