DEG DEG:-Qarax Xoogan Oo Lagu Weeraray Ciidamada Xasilinta & Warar Hordhac Ah Oo Sheegaya in…


Wararka ka imaanaya degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in uu qarax ka dhacay Bar kontorool oo ku taala Xaafadda Geel qalka ee Degmada Dharkiinley.

Qaraxa ayee wararka qaar sheegayaan in uu ahaa Miino lagu aasay Meel aanan sidaa ugu fogeyn Goob gawaarida Ciidamada Dowladda ay ku baaraan oo ku taalla Xaafadaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in hal qof oo la sheegay inay Haweeney tahay in uu dhaawac kasoo gaaray qaraxaasi.

Ciidamada Xasilinta Caasimadda oo goobta ku baaraye Gawaarida ayaa durba bilaabay Howlgalo ay ku baarayaan dadka ay ku tuhmayaan qaraxaasi.

Illo wareedyado ma Sheegin waxyeelo kasoo gaartay Ciidamada Dowladda, Waa markii labaad uu qarax sidaan oo kale uu ka dhaco Barta Kontoroolka ah ee Ciidamada Dowladda ku baaraan Gawaarida.

 

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS