DEG DEG:-Ciidamada Dowlada Oo Goordhaw Dil Bareer Ah Ka Geystay Degmada…


Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ciidamada dowladda ay ku dileen qof Shacab ah.

Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka ninkaasi ayaa lagu dilay agagaarka xarunta degmada Kaaraan ,waxaana la sheegay in uu ahaa nin waayeel ah oo u socday saaladda Subax.

Ciidamada dowladda ee ku sugan degmada ayaa la sheegay in ay toogteen ninkaasi.

Dadka Shacabka ayaa aad uga naxay falkaasi, waxaana ay bilaabeen banaanbaxyo ay kasoo horjeeddaan dilka ay geysteen ciidamada dowladda.

Dad Shacab ah oo careysan ayaa soo dhoobtay Agagaarka xarunta degmada Kaaraan.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS