DAAWO SAWIRADA:-Qaabka looga hortagayo in Codad lagu shubto, Madaxda & Shacabka siday u codeynayaan Doorashada Somaliland..


Madaxweynaha Somaliland Maxamud Maxamud Silaanyo iyo murshaxiinta madaxrinnimada ee kala ah: Faysal Cali Waraabe, Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cirro dhammaan waxaa ay ka codeyn-doonaan Xarunta Hey’adda shaqaalaga.

Dhinaca kale dadweynaha oo qaarkood xalay ay goobta cod-bixinta jiifteen waxaa ay ka codeyn-doonaan Hargeysa gudaheeda sida Kheyriya, iskuulladda iyo xarunta degmooyinka.

Doorashada ayaa goobaha cod-bixinta Somaliland ka furmay 7-da subaxnimo, waxaa la filayaa in la soo gabagabeeyo 12 saac gudahood.

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay rajaynayaan in codbixinta ay xoojin doonto kiiskooda ay ku baadigoobayaan aqoonsiga caalamiga ah.

Si looga hortago in doorashada lagu shubto ayaa waxaa markii ugu horreysay goobaha codbixinta lagu isticmaalayaa qalab aqoonsanaya indhaha codbixiyayaasha.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa waxa ay ku baaqeen in maalinta codbixinta la xayiro isticmaalka baraha bulshada si looga hortago in barahaasi lagu faafiyo warar been abuur ah.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS