Daafac Bartilmaameed U Ah Kooxda Jose Mourinho Oo Sheegay Inuu Ku Riyoodo Ka Ciyaarista Old Trafford…


Manchester United ayaa qarka u saaran inay daafac lasaoo wareegto marka la furo daaqada kala iibsiga ciyaartooyda bisha Janaayo.

Jose Mourinho ayaan ku faraxsaneyn qaab ciyaareedka uu kujiro Luke Shaw, waxaana uu indhaha ku hayaa inuu lasoo saxiixdo daafaca reer Argentina ee Enzo Diaz.

Isagoo la hadlayay Ataque Futbolero, Diaz wuxuu yiri: “Waxaan ogaaday subaxnimadii sabtida xiisaha ay ii qabto Manchester United, Wakiilkeyga ayaa ii sheegay inay ku faraxsan yihiin qaab ciyaareedkeyga.

Markii la weydiiyay hadii uu xiiseynayo inuu u dhaqaaqo Old Trafford, Diaz ayaa ku jawaabay: “Riyada ciyaaryahan kasta waa inuu u ciyaaro Manchester United” Laakiin waxaan haatan qiimeynayaa heshiiska kooxdeyda

Luka Shaw ayaan qaab ciyaareed xun kujira tan iyo markii uu soo gaaray dhaawac sanadkii hore, ciyaaryahanka reer England ayaa su’aalo badan la iska weydiinayaa mustaqbalkiisa Old Trafford.

 

Mourinho ayaa aaminsan in qaab ciyaareedka Luke shaw uusan  aheyn mid ku haboon Manchester United, islamarkaana wuxuu doonayaa in la iibiyo bisha Janaayo.

 

Daafacaan ay dooneyso kooxda Manchester United ee Diaz ayaa haatan u ciyaara kooxda Agropecuario oo ah koox heerka labaad ee Argentina ka dhisan.

 

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS