Chelsea Oo Aan Weli Ka Quusan Saxiixa Ciyaaryahan Iska Diiday Inuu La Shaqeeyo Antonio Conte Xili Ciyaareedkaan…


Sida laga soo xigtay wargeyska The Sun, Chelsea ayaa lagu wadaa inay dib u bilaawdo xiisaha Ross Barkley bisha Janaayo.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Everton ayaa qarka u fuulay inuu u saxiixo Blues xagaagan, laakiin waxaa is fahmi waayay labada koox.

Everton ayaa heshiis kala gaartay Chelsea Ross Barkley maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Si kastaba ha ahaatee, qofkasta waxa uu la yaabay in ciyaaryahanka khadka dhexe uu go’aansaday inuusan u dhaqaaqin Blues.

Warbixinada qaar ayaa sheegaya in Antonio Conte uusan u ballan qaadin Ross Barkley boos uu ku ciyaaro, taasoo keentay inuu iska diido dalabkiisa.

Chelsea ayaan weli iska iloowin xiisaha Ross Barkley, waxaana la filayaa inay wadahadal la galaan ciyaaryahanka khadka dhexe bisha Janaayo.

Ciyaaryahanka reer England ayaa lagu soo waramayaa inuu sugi doono tababaraha cusub ee loo magcaabayo Everton ka hor inta uusan go’aansan inuu ka dhaqaaqo kooxda.

Tottenham Hotspur v Chelsea – Premier League

Marka laga reebo Chelsea, Tottenham ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa Ross Barkley.

Spurs ayaa diyaar u ah inay siiso waqti uu ku ciyaaro xiddiga khadka dhaxe ee Everton Ross Barkley, taasoo caqabad ku ah Chelsea.

Barkley ayay u badan tahay inuu ka fiirsado qorshaha uu ugu biirayo Chelsea oo heysata Kante, Drinkwater, Fabregas iyo Bakayoko.

 

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS