Sergio Aguero Oo Jabiyay Rikoor Xulka Argentina Ay U Dhigeen Halyeeyada Diego Maradona & Hernan Crespo…


Sergio Aguero ayaa doonaya inuu dhaafo rikoor kasta oo u yaala ciyaartooyda xulka Argentina ka dib markii uu goolkiisii 35aad ee caalami ah dhaliyay kulankii saaxiibtinimo ee Russia.

 

Weeraryahanka reer Argentina Sergio Aguero ayaa ku faraxsan inuu dhaafo rikoorka gooldhalinta mucjisada xulka Argentina Diego Maradona.

 

Aguero ayaa goolka guusha u dhaliyey xulka Jorge Sampaoli ciyaartii saxiibtinimo oo ay Russia kaga badiyeen 1-0 magaaalada Moscow.

 

Goolkaasi wuxuu ahaa kii 35aad ee weeraryahanka Manchester City u dhaliyo xulkiisa, isagoo hadda dhaafay rikoorkii Maradona iyo Hernan Crespo oo min 34 gool u dhaliyay xulka Argentina.

 

Sergio Aguero ayaa ka dambeeya kaliya Lionel Messi oo 61 gool dhaliyay iyo Gabriel Batistuta oo 54 u dhaliyay xulka Argentina.

 

 

 

Aguero ayaa ku qanacsan qaab ciyaareedkiisa, isagoo ku booriyay xulkiisa in ay horumar ka sameeyaan Koobka Adduunka ee sannadka 2018 ka dhacaya dalka Russia.

 

“Waan ku faraxsanahay goolka iyo guusha aan siiyay xulkeyga, waxaan u ciyaarnay si wanaagsan, waana inaan sii kordhinaa dagaalkeena,” ayuu yiri.

 

“Waxaa jira ciyaartoy badan oo cusub, waana ay adag tahay in la ogaado midba midka kale inuu ka fiican yahay, waan xasuustaa wixii nagu dhacay sannadihii lasoo dhaafay.

 

Argentina ayaa wajaheysa xulka Nigeria kulan kale oo saaxiibtinimo Talaadada, inkastoo uu ka maqan yahay hogaamiyahooda Lional Messi.

 

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS