RASMI: Shanta laacib ee u tartamaysa abaal-marinta BBC ee xiddiga sanadka Qaaradda Afrika 2017 oo lagu dhawaaqay


Shabakadda BBC-da ayaa ku dhawaaqday Shanta laacib ee u tartami doonta abaal-marinta sanadlaha ah ee ay bixiyaan ee xiddiga ugu fiican Qaaradda Afrika sanadkan 2017.

Pierre-Emerick Aubameyang (Borussia Dortmund), Naby Keita (Leipzig), Sadio Mane (Liverpool), Victor Moses (Chelsea) iyo Mohamed Salah (Liverpool) ayaa ku tartamaya xiddiga sanadka 2017 ee BBC-da, waxaana dadku ay si toos ah uga codeyn karaan bogga Internet-ka ee BBC adigoo dooranaya laacibka abaal-marintaasi u qalma waxaadna mid walba sawirkiisa ka arki kartaa dhinaca midig.

Codeynta ayaa waxay ku eg tahay illaa 27 bisha November, iyadoo ciyaartoyga ku guuleystana lagu dhawaaqi doono 11 bisha December ee dhammaadka sanadkan.

Sanadkii hore ee 2016 waxaa abaal-marintan ku guuleystay ciyaaryahanka kooxda Leicester City ee Ingiriiska Riyad Mahrez.

 

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS