Olivier Giroud Oo Ka Hadlay Nolosha Adag Ee Arsenal & Haddii Uu Ka Qoomameynayo Go”aankii Uu Kusii Joogay Emirates


Olivier Giroud ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Arsenal, inkastoo uusan weli kusoo bilaaban kulna katirsan Premier League xilli ciyaareedkan.

Weeraryahanka Arsenal Olivier Giroud ayaa sheegay inuusan ka qoomameyneynin go’aankiisa ahaa inuu sii joogo kooxda ka dhisan Premier League.

Giroud, oo 31 sanno jir ah, ayaa lala xiriiriyay inuu ka dhaqaaqayo kooxda Gunners xilli ciyaareedkaan, laakiin waxa uu go’aansaday inuu si joogo.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaan weli kusoo bilaaban horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, waxaana uu dhaliyay kaliya hal gool 10 kulan oo uu bedel kuso galay.

Giroud, oo gool ka dhaliyay Wales kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Paris, ayaa sheegay inuu weli ku faraxsan yahay go’aankiisa ahaa inuu sii joogo Emirates Stadium.

 

“Wakhti xaadirkaan ma isweydiiyo mustaqbalkayga,” ayuu u sheegay wargeysyada kasoo Uk.

“Waan ku faraxsanahay Arsenal, waan ku faraxsanahay go’aanka ah  inaan joogo halkaan, sababtoo ah waxaan doonayaa inaan wax badan oo hamigayga ah gaaro ayuu hadalkiisa ku daray Olivier Giroud.

“Waxaan ku kalsoonahay tayada aan heysto, waxaan leeyahay ujeedooyin badan oo Arsenal iyo wadankeyga ah, mar walba waxaan isku dayaa inaan hore u sii socdo oo aan gool dhaliyo.”

Giroud ayaa dhaliyay labo gool afar kulan oo Europa League kusoo bilowday, laakiin kaliya hal gool ayuu dhaliyay 10 kulan oo uu ka ciyaaray Premier League.

 

Si kastaba ha ahaatee, weeraryahankan ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay tababare Arsene Wenger, waxaana uu doonayaa inuu dib u dhis xoogan ku sameeyo maskaxdiisa.

 

“Arsene marwalba wuu i taageersan yahay, kalsooni badan ayuu igu qabaa aniga ahaan” ayuu yiri Giroud.

 

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS