Gareth Bale Oo Sabab U Ah Dagaalka Real Madrid Iyo Xulka Wales & Tababare Chris Coleman Oo Cadeeyay Inuu Si Toos Ah Ula Hadli Doono Bale…


Tababaraha Wales Chris Coleman ayaa aaminsan in Gareth Bale dhaawaciisa uusan noqon doonin mid halis ah ka dib markii dhaawac kale uu soo gaaray xiddiga Real Madrid.

 

Xiddiga kooxda Real Madrid Gareth Bale ayaa dhaawac kaga maqnaan doona wadankiisa kulamada saxiibtinimo ee toddobaadkaan sida laga soo xigtay macalinka Wales Chris Coleman.

Bale, oo 28 sanno jir ah ayaa la filayaa inuu seego muddo bil kale ah garoomada ka dib markii uu soo gaaray dhaawac muruqa ah.

 

Xiddiga weerarka ka ciyaara ayaa sagaal kulan kaliya tartamada oo dhan kasoo muuqday xilli ciyaareedkan, waxaana ugu dambeysay garoomada bishii September.

 

Coleman ayaa sheegay inuusan hubin dhibaatada ugu weyn ee Bale, laakiin wuxuu qiray inuusan jirin dhaawac jab ah.

 

“Ma aqaano inta uu le’eg yahay dhaawaciisa, laakiin ma ahan mid halis ah oo waqti badan qaadan kara,” ayuu u sheegay macalin Wales wargeysyada UK.

 

 

 

“Ma aanan la hadlin Real Madrid, laakiin waxaan la hadli doonaa Gareth Bale maalmaha soo socda si aan u ogaano waxa uu yahay dhaawaciisa.

 

“Waa nasiib xumo iyo war xun oo nasoo gaaray ayuu hadalkiisa ku daray tababaraha Wales Chris Coleman oo aan ku qanacsaneyn sida markasta Real Madrid aysan kaga taxadirin weeraryahankiisa.

 

Coleman ayaan qorsheyneynin inuu bedelo qaabka uu u isticmaalo Bale ilaa iyo inta uu taam u yahay Madrid.

 

Wales, oo seegay isreebreebka loogu soo baxayo Koobka Aduunka 2018, ayaa ciyaaro saxiibtinimo ku wajihi doona xulalka Uruguay iyo Czech Republic.

 

“Waxa ay ku xiran tahay inuu taam ahaansho helo haddii uu nala safrayo Bale” ayuu yiri Coleman oo aan ku faraxsaneyn sida markasta Real Madrid u xaliso xaalada dhaawaca hogamiyaha Wales.

 

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS