Xiddig Katirsan Manchester United Oo Ku Dhawaanaya Ku Biirista Atletico Madrid, Balse Barcelona Ayaa Dagaalka Kujirta


Manchester United ayaa aheyd koox si joogta ah loola xiriirinayay inay u dhaqaaqdo xiddigaha kooxda Atletico Madrid.

Laakiin haatan, kooxda reer Spain ayaa dooneysa inay la saxiixato ciyaaryahan katirsan kooxda Manchester United.

Sida laga soo xigtay wargeysyada AS, Atletico Madrid ayaa isha ku heysa xagaaga soo aadan saxiixa Ander Herrera.

Kooxda reer Spain ayaa dooneysa inay kula saxiixato xiddiga reer Spain beeca xorta ah, iyadoo xitaa lagu soo waramayo inay  wadahadal la bilaabeen ciyaaryahanka khadka dhexe.

Heshiiska Herrera ee Manchester United waxa uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaan weli ogolaanin qandaraaska cusub ee kooxdiisa, lakiin kooxda ayaa fursad u heysta inay sii heysto sannad kale.

Jose Mourinho ayaan si joogta ah u ciyaarsiin Herrera isagoo ka doorbiday Matic iyo Pogba booska khadka dhexe.

Waxa uu doonayaa inuu ogaado doorkiisa kooxda ka hor inta uusan qalinka ku duugin heshiiska cusub sida warbixinta lagu sheegay.

Herrera ayaa qandaraas u saxiixi kara Atletico Madrid ama koox kale oo Yurub ah bisha Janaayo, sabab la xiriirta isagoo geli doona lixdii bilood ee ugu dambeysay qandaraaskiisa, inkastoo uu fursad kale u heysto inuu sii joogo kooxdiisa.

Manchester United ayaa dooneysa inay qandaraas cusub ka saxiixdo ciyarayahanka, laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa diiday inuu aqbalo qorshaha kooxdiisa.

Dib ugu laabashada Spain ayaa ah wax uu aad usoo dhaweynayo Herrera oo sidookale xiiso ka helaya kooxda Barcelona.

Kooxda Catalan tababaraheeda Ernesto Valverde ayaa ah Macalinkii hore ee Herrera kusoo saaray kooxda Athletic Bilbao.

Herrera wuu jecel yahay Manchester United, laakiin way adag tahay inuu sii joogayo haddii uusan boos ka heli Karin kooxda koowaad.

Barcelona waxay u muuqaneysaa meesha ugu macquulsan ee uu ka ciyaari karo, maadaama uu ku sugan yahay tababare Ernesto Valverde.

 

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS