Real Madrid Oo Ku Garaacday Barcelona xiddig Lagu Qiimeeyo 43 milyan + Daawo Xirfadiisa


Kadib markii Real Madrid ku garaacday Barcelona saxiixyada Marco Asensio, Marcos Llorente iyo Theo Hernandez, marka labada koox ayaa ku dagaalamaya xaalada suuqa.

Goolhayaha Athletic Bilbao Kepa Arrizabalaga, ayaa lasheegay in Real Madrid ay diyaar u tahay inay ku bixiso 43 milyan oo euros, taasoo ka dhigan in Tababarihii hore Athletic Bilbao Ernesto Valverde iyo kooxdiisa Barcelona lagu garaaci doono goolhayahaan dhalinyarada ah.

Kepa Arrizabalaga ayaa haatan diiday inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa, waxaana lgu burburin karaa heshiiskiisa Athletic Bilbao 75 milyan euro.

Waa shaqsiga labaad ee ugu sameynta badan kooxda Athletic Bilbao marka laga soo tago Aymeric Laporte oo lagu qiimeeyo € 65.

Sababta ka dambeysa in goolhayahaan iska diido qandaraaska cusub ee Athletic Bilbao ayaa ah inuu kalsooni badan ka helay kooxda Real Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaan bixin wax faahfaahin dheeraad ah oo la xiriirta xiliga goolhayahaan kusoo biirayo kooxda.

kooxaha Athletic Madrid Barcelona iyo Juventus, ayaa sidookale xiiso u qaba goolhayahaan sida uu xaqiijiyay madaxweynaha kooxda ka dhisan gobolka Basque.

Ma ahan oo kaliya kooxda Real Madrid kooxaha doonaya golhayaheena, waxaa jira dalabyo badan oo naga soo gaaray kooxaha waaweyn ee qaarada ayurub ayuu hadalkiisa ku daray.

DAAWO XIRFADIISA

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS