XOG:-Qorshahii ugu cusla oo loo dagay shabaabka Muqdisho..


Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambalooshe) ayaa dajiyay qorshe looga hortagayo dilalka qorsheysan oo Dagaalyahanada Al shabaab ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

Xoghoose.com ayaa ogaatay in Sambalooshe uu kulan Albaabada u xiran yihiin la yeeshay Taliyeyaasha Nabad sugida degmooyinka Gobolka Banaadir, wuxuuna u sheegay in degmo walbo ay sameysato ciidamo aad u badan oo dhar cad ah kuwaas oo aan ka fogaaneyn agagaarka Laamiyada si ay u daba kacaan dadkii ay ka shakiyaan ka dibna kor lagala socdo dhaq dhaqaaqa ay wadaan.

Sidoo kale Ciidamadan dhar cad ka ah ayaa si weyn kaga duwan kuwii hore ee magaalada uga shaqeyn jiray sida qarsoodiga ah, waxayna si gaara ula sheekeysanayaan dadka ku qaxweeya meelaha fadhi ku dirirada, iyadoon aan la shakineyn laakiin waxay la soconayaan dhaq dhaqaaq kasta oo ay ka shakiyaan.

Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya ayaa si weyn u canaantay taliyeyaasha Nabad sugida, maadaama magaalada Muqdisho maalmahaan ay ka dhaceen dilal qorsheysan.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS