XOG:-Dowladaha Turkiga iyo Qadar oo ku heshiyay hal arin oo xasaasi ah


Dowladda Qadar ayaa hadda waxay  daacad u noqotay garab istaagga dowladda Turkiga,  kadib markii ay kasoo horjeesteen dalalkii ay isku haleyn jirtay, kana mid ahaayeen Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Maadaama Imaaraadka tartan xooggan kula jiro Turkiga, Qadarna ay markii hore Turkiga kula tartamaysan Muqdisho waxay go’aansadeen in tartanka kaliya uu noqdo Laba dhinac.

Waxay dowladdan isku dhiibtay Turkiga si ay uga miro dhaliyaan in Imaaraadka laga saaro meelaha hadda dalka uu kaga sugan yahay.

Ulajeedka ayaa ah in Turkiga la wareego duud ahaan dekadaha dalka ku yaalla, wxuuna ulajeedka yahay sidii Imaaraadka looga careysiin lahaa, iyadoo maamul goboleedyadana lasiin doono lacag ka badan kuwii la siiyay.

Tartanka dalalkaan ayaa noqday Soomaaliya gudaheeda, marka si loo eego dano waaweyn ayuu dalka ku qabaa, marka si loo eegana waa dhibaato usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Hal Jawaab : XOG:-Dowladaha Turkiga iyo Qadar oo ku heshiyay hal arin oo xasaasi ah

  1. axmed says:

    Waan ka xumahey, in cid kastaa u kacsato Fragelinteena, ee ay dhahaan lacag baan siineynaa tii hore ka badan! war waa yaab wadankaan faraha ayuu ka baxey, Xiriirka imaaraadka ma aha mid lacag siin ah, war qadan warx xiriir Ganacsi ama xiriir dhaqaale ah maamuladu lama laha, dowladu ma inkiri karto danaha maamulada, Farmaajio wadanka gacan kuma hayo, labada nin ee kale ayaa u taliya, wax Soconayana malaha, mana talin karaan Fahad iyo kheyre, midna annagu ma doora mana naqaan meesha ay ka yimaadeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS