Farmaajo iyo Kheyre oo markii ugu horeysay hadalo is khilaafayo ku hadlay iyo laba arrin oo laga fahmay


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay qoraal soo saaray ayaa muujiyey naxariis iyo in wax kasta wadahadal lagu dhameeyo, wuxuuna sheegay inuu dalka ku jiro xaalad soo kabasho ah loona baahan yahay in wax kasta miiska korkiisa lagu dhameeyo.

Halka Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu Xalay jeediyey khudbad aad u kulul oo uu ku weeraray madaxda Maamul Goboleedyada, Waxayna labadaan hadal noqdeen wixii ugu horeeyey oo ay isku khilaafaan labada Mas’uul inkastoo aan la ogeyn waxa u qorsoon balse marka la fiiriyo qaabka hadalada laba Mas’uul waxaa jiro Farqi weyn oo u dhaxeeyo (Hadal Nabadeed Vs Mid dagaal)

Marka Hore hadalka Madaxweyne Farmaajo halkaan hoose ka akhriso:

Hadalka Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) wuxuu si dhaw ula socdaa dareenka ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleed si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in ay marwalba imaan karto dhaliilo iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha iyada oo la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Hadalka Ra’isulwasaare Kheyre:

“Waxaa muhiim ah in aan qofna laga ogolaan dhaliil dalka lagu duminay, dhaliil ujeeddo gaar ah leh oo lagu fushanayo dano qaas ah in lagu dumiyo iftiinka nolosha ee hada u soo if baxay”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Isagoo aanan cidna carabaabin ayuu sheegay inay dhamaatay waqtigii ay madaxda niyad jabi jiraan ama in buuq siyaasadeed inta furmo ay Madaxda albaabada soo xiran jireen.

“Waa dhamaatay waqtigii la niyad jabi jiray, madaxda idin hor-taagan ma ahan kuwaas, maalmo ayaa la qeylinaya ama buuq siyaasadeed ayaa la furayaa waxaa idin balan-qaadayaa in aan idinla mari doono illaa meesha ugu dambeysa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horay u socoto, isla markaana aysan gadaal u noqon doonin.

“Soomaaliya horay ayay u socotaa, gadaal uma noqoneysa, Soomaaliya waxay ku socotaa meel barwaaqo ah anaga ujeedna oo idin soo aragnay dhulka barwaaqada aan u socono”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa shacabka Somaliyeed ee niyad jabka ka muujiyay xaaladda hadda jirtaahi u sheegay in Madaxda maanta aanay ahayn sida kuwii hore oo kale.

Maxaa laga fahmay Labada hadal?

Marka aad si fiican u akhriso labada Hadal ee kasoo kala baxay Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha, waxaa muuqato inuu jiro kala aragti duwanaansho ka dhaxeyso labada Mas’uul marka la raaco hab hadalkooda ku aadan War Murtiyeedka kasoo baxay Madaxda Maamul Goboleedyada.

Madaxweynaha waxaa muuqato inuu doonayo in la isla fadhiisto wax kastana laga wada hadlo maadaama wadanka uu ku jiro soo kabasho.

Sidoo kale hadalka Madaxweynaha waxaa laga dhadhamin karaa inay dowladda leedahay qaar kamid ah dhaliilaha loo soo jeediyey, wuxuuna sheegay in dhaliilaha jiro lagu dhameeyo is faham.

Dhan kale Ra’isulwasaarw Kheyre hadalkiisa wuu caddeystay wuxuuna sheegay inaysan xukuumadiisa qaadan karin Dhaliilo uu ku sheegay in laga leeyahay dano iyo waxyaabo kale.

Sidoo kale Khudbada Kheyre ayaa waxaa laga dhadhansan karaa in Khilaafka ugu weyn ee Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe inuu ka dhex jiro Xukuumadda Kheyre iyo Maamul Goboleedyada isla markaasna uu jiro is faham la’aan dhanka xeerarka ah.

Akhriste Adigana Fikirkaaga iyo waxa kaaga soo baxay hadalada Labada Mas’uul qeybta hoose noogu reeb adigoo isticmaalayo Facebookaaga.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

2 Jawaabood : Farmaajo iyo Kheyre oo markii ugu horeysay hadalo is khilaafayo ku hadlay iyo laba arrin oo laga fahmay

  1. axmed says:

    Khey Cadowga ka faaiideysanaya Somaliya ayuu taageeraa, masuulna ma noqon karo, Farmaajio asagaa keeney nin dhega xiran ee qabiil iyo intii xun ku shaqeeya, marka asagu ha furdaamiyo meeshana ha ka eryo nacaskaan .

    • Yasin Mohamud Hassan says:

      Ad aya umhdsnthy axmed mideda kle qof caay lguma dhihin ee su’asha fahn kliya fikirkaga dhiibo..
      Aniga ahan waxa ila saxan mdxweyne frmajo swabto ah dowlada wey yeln krtaa dhaliilo ..
      Dhnka kle rezal wasare khere xukumadisa wa biniadam dhaliil wey yelan krtaa dhalilaha lgu so rogayo yuu san diidin mhdsnidiin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS