DEGDEG: Diyaarad sida Gawaari & Hub oo lagu qabtay Garoonka Muqdisho iyo cidda iska leh oo la ogaaday


Wararka hadda naga soo gaarayo garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa xaqiijinayo in halkaas lagu qabtay diyaarad kadib markii la ogaaday sida wararka sheegayaan inay sido saanad ciidan oo isugu jiro hub iyo waxyaabo kale.

 Diyaaradaan ayaa la sheegay in laga leeyahay Dalka Talyaaniga isla markaasna waxaa nooceeda lagu sheegay inay aheyd midda Xamuulka qaado, waxaana la xaqiijiyey inaan lagu wargelin maamulka Garoonka Aadan Cadde.

Waxaa la amra in baaritaan lagu sameeyo isla markaasna lasoo bixiyo waxyaabaha ay wado, waxaana lagu dhex arkay baaritaan kadib qalabka Ciidamada iyo gadiid kuwa dagaalka ah.

Mamulka Garoonka ayaa sheegay inay diyaaradda saaran yihiin laba Gaari oo ah kuwa aanay rasaastu karin, Qoryo kala duwan oo Boobayaasha culus iyo kuwa fudud isugu jira, Bistoolado, rasaas iyo jaakadaha laga xirto rasaasta.

Illo Wareedyo ku sugan garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa Shabakadda Xoghoose.com u xaqiijiyey in Saraakiil ka socota Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho inay tageen  garoonka iyagoo sheegtay inay leeyihiin Saanadda ay sido rasaasta, isla markaana ay doonayaan in lagu wareejiyo, waxaana socda waanwaan arrintan ku saabsan.

Talyaaniga oo ciidamo kooban ka joogaan Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in hubka iyo saanadda uu la yimid Muqdisho aanay ka war heyin maamulka garoonka iyo dowladda Soomaaliya, taasoo keentay in la xayiro diyaaradda siday xamuulka.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS