34 Sano kaddib Soomaaliya oo soo ceshatay arrin muhiim ah oo muddo la sugayey


Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay soo ceshato Codkii ay ku lahayd Ururka Isgaarsiinta Caalamka ee ITU,kaas oo shirkiisa sanadlaha ah uu Sanadkan ka dhacay Dalka Argentine.

Wasiirka Boostada,Isgaarsiinta iyo Tignolojiyadda Soomaaliya  Eng.Cabdi Canshuur Xasan oo shirkaas ku matalayay Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay yeelatay xeerka isgaarsiinta dalka,islamarkaana hadda wixii ka dambeeya ay la jaanqaadeyso  Shruucda Isgaarsiinta Caalamka.

Sababta Soomaaliya codkaas ku weysay ayaa lagu sheegay in ay tahay kaddib markii lagu yeeshay lacag dhan $2.5Milyan oo ah Qaaraanka ay bixiyaan dowladaha ku jira Ururkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in laga cafiyo $1.5milyan oo lacagtaas ka mid ah,waxaana $1milyan ee  soo harayna loo qabtay sanado si ay isaga bixiso,waxaana Bishii la soo dhaafay ay dhiibtay $80,000 ee ugu horreeyay lacagtaas,taas oo suuragelisay in ay codkeeda soo ceshato.

Wasiir Cabdi Cashuur oo ka hadlayay shirkaas ayaa sheegay in xubinnimada ITU ay Wasaaradda ka caawin doonto sidii ay dib ugu heli lahayd adeegyada ay wasaaradaha dalalka caalamku ay ku leeyihiin ururkaas. Wuxuu sidoo kale sheegay in tallaabadani ay fududeyn doonto sidii ITU ay dalka Soomaaliya uga kaalmeyn lahayd dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta dalka oo aysan shirkaduhu si gooni gooni ah u maalgashan karin.

“Sharaf bay noo tahay inaan dib u soo ceshanay xubinnimada buuxda ee ITU-da. Ma dooneyno inaan korjoogto kaliya ka noqono ururka ITU-da oo hawlo badan ay nooga xiran yihiin, inagoo awoodna inaan cod yeelano. Waxaan u mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo ku-xigeenkiisa iyo shirkadaha isgaarsiinta iyo internetka Soomaaliya oo Wasaaradda ka caawiyay inay qaaraankaas bixiso, iyadoo nidaamka lagu bixinayo uu ahaa mid daahfuran,” ayuu Wasiirku intaasi raaciyay.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS