Shabaab oo Weerar Culus ku qaaday Saldhig Ciidamada DF iyo Warar Sheegaya…


Dagaalamayaal Hubeysan oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa goor dhow waxaa ay weerar culus ku qaadeen fariisin Ciidamada Dowlada ay ku leeyihiin Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalka ayaa ah mid aad u culus waxaana la maqlayaa sida Dadka deegaanka ay u sheegeen Wakaalada Xoghoose.com.com Rasaas culus, taas oo ay is weydaarsanayaan Ciidamada Dowlada iyo Al-Shabaabka weerarka soo qaaday.

Goobta ay shabaabku soo weerareen waxaa ay degmada Afgooye ka xigtaa dhanka Galbeed halkaas oo Shabaab dhowr jeer soo weerareen, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Dagaalka uu ka dhashay khasaaro laakiin weli aan la ogeyn inta uu la egyahay.

Dagaalka ayaa waxaa uu sababay in muddo Saacad ku beegan uu hakad galo isku socodka dadka iyo gaadiidka goobta uu dagaalku ka dhacay, Dadka degmada ayaa badi iska xiray mehradaha iyagoo ka baqanaya in ay saameen ku yeesho dagaalka.

Todobaad ka hor ayaa sidaan oo kale waxaa ay Al-Shabaab weerar ugu soo qaadeen Degmada Afgooye gaar ahaan goobta uu hadda weerarka ka dhacay halkaas oo ay ku dileen Askar ka tirsan Ciidamada Dowlada iyagoona sidoo kale qaatay dhowr Qori iyo Mooto Ciidamada ay isticmaalayeen.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS