Doorasho ka dhan ah Madaxweyne Xaaf oo 25-ta Bishan lagu Dhawaaqay


Guddiga doorashada ee ay sameeyeen Xildhibaannada sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmdugu Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa soo saaray wareegto ay ku sheegayaan jadwalka doorashada iyo waqtiga ay dhaceyso.

Guddigu waxaa ay sheegeen in qabashada araajida Musharrixiinta daneynaya ay billaabaneyso 13-ka Bishan oo ku beegan Jimcaha ayna socon doonto ilaa 21ka Bishan.

22-ka Bisha ayuu Guddigu sheegay in ay dhaceyso doodda xubnaha musharrixiinta ee TV-yada laga daawanayo,waxaana sidoo kale xigaya dhegeysiga Khudbadaha ay tahay 23ka Bishan.

Sidoo kale doorashada Madaxweynaha ayey Guddigu sheegeen in ay dhaceyso 25ka Bishan October,iyada oo Guddigan ay horay u sameeyeen Xildhibaannada horay u sheegay in ay xilka ka qaadeen Xaaf.

Maanta Magaalada Kismaayo waxaa lagu soo gaba gabeeyay Shirkii dowlad Goboleedyada oo ay ka soo saareen War-murtiyeed Qodobadiisa ka mid ahayd in faragelinta laga daayo Galmudug,iyadana loo daayo xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamulka Galmudug.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS