DEG DEG: Saxaafada oo looga yeeray Xarunta uu ka socda Shirka Kismaayo


Waxaa goor-dhaw Wariyaasha looga yeeray Guriga martida ee magaalada Kismaayo halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku shir sanaayeen Madaxda maamul Gobaleedyada dalka waxaana la filayaa in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo wixii ay ku heshiiiyeen.

Wariyeyaasha ku sugan Kismaayo ayaa xiligaan xaadir ku ah goobta shirka waxayna sheegay in ay udiyaar garoobayaan in la shaaciyo Natiijada Shirkii maalmaha qaatay ee Kismaayo kaga socday madaxda Maamul Gobaleedyada Dalka.

Hogaamiyaasha Maamul Gobaleedyada ayaa maalmihii la soo dhaafay ku shirsanaa Kismaayo waxaana kulankooda ay diiradda ku saarayeen Xiisadda siyaadeed ee u dhaxeysa Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul gobaleedyada Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa muujinaya Walaac ah in Shirka kismaayo uu ka soo baxo Qodobo wax u dhimi kara daganaan shiyaha Soomaaliya.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS