DEG DEG: Qarax xoogan oo ka dhacay Duleedka Beledweyne & Dhimashada 5 Ruux oo…


Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ka dib markii Gaari ay la socdeen uu ku qarxay duleedka Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Gaariga oo la sheegay in noociisa uu ahaa NOHO ayaa ku qarxay degaanka Luuq-Jeelow oo hoostaga magaalada Baladweyne.

Qaar ka mid ah dadka degaankaasi ayaa xaqiijiyay in gaariga Qarxay ay saarnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale wararku ay sheegayaan in Gaarigaasi ay ka buuxeen Waxyaaha Qarxa.

Ciidamada Ammaanka ayaa saldhig ku leh meel u dhow degaanka uu Qarxay Gaarigaasi, waxaana la sheegay in halkaasi ay ku baxeen.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS