AKHRISO:-Warqad Ay u qoreen madaxweyne Farmaajo Madaxda maamul Goboleedyada iyo waxa ku qornaa..


Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa warqad waxay si hoose ugu direen madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo,  kadib markii uu dhammaaday shirkii Kismaayo.

Warqaddan waxay ahayd mid gaar ah, waxaana Xoghoose.com u suuragashay iney ogaato waxyaabaha ku qornaa warqaddan qaarkood.

Waxay Madaxdan u sheegeen Madaxweynaha inuu dib usoo celiyo siyaasaddii isaga lagu soo doortay, islamarkaana aanu jihada ka dhumin Ra’iisul wasaare Kheyre iyo xukuumaddiisa.

Xogta waxay sidoo kale sheegeysaa in Farmaajo loo sheegay inuu kala doorto xasilooni siyaasadeed ama fowdo, islamarkaana jawaab degdeg ah laga helo marka ay madaxdu timaado magaalada Muqdisho.

Waxaa jira sidoo kale in madaxdan ka codsadeen madaxweynaha inuu raaligelin ka bixiyo arrinta xukuumadda ay ka tiri khilfaakii Galmudug, sidoo kalena caddeeyaa waxa ay aaminsan yihiin.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS