WARBIXIN: Waxa uu yahay Ganacsiga ay ku shurkoobayaan Sergio Ramos iyo Gerard Pique oo daaha laga rogay…


Iyadoo ay soo baxeen todobaadkan warar sheegaya inuu qilaaf xoog leh ka dhexeeyo xiddigaha reer Spain ee u kala dheela kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ee Sergio Ramos iyo Gerard Pique ayaa haddana arrintaas waxaa beeniyey laacibka Barca u dheela ee Pique.

Gerard Pique ayaa Wareysi uu dhawaan dhiibay waxa uu ku beeniyey inuu jiro wax qilaaf ah oo ka dhexeeya isaga iyo kabatanka Real Madrid, isla markaana waxa uu carrabka ku dhuftay inay dhawaan ku dhirkoobi rabaan ganacsi cusub.

Haddaba iyadoo la isweydiinayey waxa uu yahay ganacsigan cusub ayaa Jariiradda Marca ee ka soo baxda Spain waxa ay daaha ka qaaday nuuca uu yahay ganacsiga ay labadan laacib isku darsanayaan.

Waxaana Wargeyska Marca uu dhaaciyey in ganacisga ay ku shirkoobayaan Ramos iyo Pique uu yahay mashruuc la yiraahdo ‘Power to the Players’.

Waxaana warbixinta ay intaa ku daraysaa in mashruucan la mid yahay The Players’ Tribune’ oo ah Website ka dhisan dalka Mareykanka, halkaa oo dadka ciyaaraha ay ku qoraan Maqaaladooda, isla markaana ka dhiibtaan fikradahooda.

Laacibiin ay ku jiraan Cristiano Ronaldo, Ivan Rakitic, Marcelo iyo xiddigo badan oo ka ciyaara dalka Mareykanka ayaa boggaa wax ku qoray, iyadoo ciyaaryahanka caanka ku ahaa ciyaaraha Basketball-ka ee Kobe Bryant uu bartaasi soo dhigay markii uu shaacinayay inuu ciyaaraha ka fariistay.

Haddaba labadan saaxiib ee Pique iyo Ramos ayaa iminka u muuqda in Website ceynkaas oo kale ah ka hir galinayaan qaaradda Yurub.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS