Pep Guardiola guushii City wuxuu u hibeeyay Mendy iyo Aguero wuuna iska diiday City inay awood badan tahay


Macalin Pep Guardiola markale koox weyn ayuu lagday asigoo horey 5-0 ku xaaqay Liverpool hadana wuxuu 1-0 kusoo dubtay Chelsea kulan uu safar ku tagay galbeedka London.

Man City oo haatan hogaanka EPL farqiga goolasha kaga heyso dariskeeda Man United waxaa ka hadlay guusha weyn ay kooxdan gaartay macalin Pep.

Pep Guardiola wuxuu yiri “Marka hore waxaan rabaa in guusha weyn ee aan gaarnay inaan u hibeeyo Mendy iyo Auguero oo todobaadkan dhaawac naga noqdeen, waxaan au rajeenaa soo kabasho wanaagsan”

“Man City waxay u tahay niyad dhis weyn inaan kasoo badino Chelsea oo ah kooxda horyaalka difaacaneyso waxaana dooneynaa inaan guushaan sii joogteeno”

Macalin Guardiola ayaa culeeska kooxdiisa ka dajiyay wuxuuna yiri “Waa xili hore lama joogo waqtigii laga hadli lahaa kooxda horyaalka qaadeyso, Man City waa koox isku kalsoon balse lama joogo xiligii horyaalka naloo saadaalin lahaa ama laga hadli lahaa madaama koox walbo safka hore soo hiigsan karto xili cayaareedka oo weli dheer awgeed”

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS