HORDHACA: Newcastle VS Liverpool- Rafael Benitez Oo Wajahaya Kooxdiisii Hore & Mane Oo Kusoo Laabtay Shaxda Klopp


Liverpool ayaa booqn doonta garoonka St James Park kulan ay wajihi dooonto tababarihii hore ee kooxda Rafael Benitez.

Macalinka reer Spain ee 2005tii ku guuleystay Chamoions League ayaa haatan doonaya inuu meel sare ka geeyo kooxda Newcastle horyaalka Premier League.

Reds ayaa ku bilaabatay si isku dhafan xilli ciyaareedkan, iyagoo badisay saddex ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay horyaalka.

OGEYSIISKA CIYAARTA

Garoonka: St James Park

Saacada: 6:30 PM

MAXAAA CUSUB?

Newcastle ayaa mar kale u yeeri doonta Aleksandar Mitrovic ka dib markii uu ganaax ku qaatay xusul uu ku dhuftay Manuel Lanzini kulankii West Ham, laakiin Benitez ayaa sidookale u yeeri kara Joselu oo qaab ciyaareed sare kujira.

Florian Lejeune ayaa shaki uu ku jiraa, sidoo kale Paul Dummett iyo Massadio Haidara ayaa iyagana weli ka maqan kooxdooda.

Si kastaba ha ahaatee, Benitez ayaa isticmaali doona shax uu kujiro weeraryahanka ay neceb yihiin jamaahiirta Liverpool ee Dwight Gayle.

kooxda martida ah waxaa usoo laabtay Mane oo maqnaa seddex kulan oo ganaax ah, waxaana hubaal ah inuu ka garab ciyaari doono Coutinho, Firmino iyo Salah.

Joe Gomez oo aan u safrin Russia kulankii kooxdiisa barbaraha la gashay Spartak sabab la xiriirtay ganaax ayaa kusoo laabtay shaxda Reds, halka Nathaniel Clyne iyo Adam Lallana ay weli maqan yihiin.

XAQIIQADA KULANKA

Newcastle United ayaa badisay afar ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay Premier League oo ay la ciyaareen Liverpool, waxaana sidookale ay badiyeen labadii ciyaar ee ugu dambeysay iyagoo aan gool laga dhalin.

Liverpool ayaa dhalisay 138 gool 44 kulan oo ay la ciyaareen Newcastle, waa mid u dhigma 3.14 celcelis ahaan kulankiiba.

Newcastle ayaa ka mid ah seddex kooxood oo Premier League ah oo aan weli la kulmin tababare Liverpool Jurgen Klopp.

Benitez ayaa ku guuleystay 134 dhibcood 74 kulan oo Premier League ah oo uu hogaaamiyay kooxda Liverpool.

Daniel Sturridge ayaa dhaliyay goolal afartii kulan ee Premier League uu kusoo bilowday garoonka St. James Park, seddex gool waxa uu ka dhaliyay labadii kulan ee ugu dambeysay.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Newcastle United:Elliot; Yedlin, Lascelles, Clark, Mbemba; Hayden, Merino; Ritchie, Perez, Atsu; Joselu

Liverpool:Mignolet; Gomez, Matip, Klavan, Robertson; Can, Henderson, Coutinho; Salah, Sturridge, Mane.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS