HORDHACA: Arsenal VS Brighton & Hove Albion- Gunners Loogama Badin Kulan Premier League Bisha October Tan Iyo 2002dii


Arsenal ayaa raadineysa inay sii wado qaab ciyaareedkeeda ugu fiican marka ay ku martigeliyaan kooxda Brighton & Hove Albion garoonka Emirates Stadium.

Gunners ayaa guuleysatay kulamo xiriir ah, laakiin waxay martigelinayaan kooxda Brighton oo ku faraxsan noloshooda ay ku bilaabatay horyaalka Premier League.

OGEYSIISKA CIYAARTA

Garoonka: Emirates Stadium.

Saacada: 2: 00 PM

MAXAA CUSUB?

Arsenal ayaa rajeyneysa inay dib u hesho Mesut Ozil ka dib markii uu kasoo kabsaday dhaawac jilibka ah, halka Laurent Koscielny uu sidoo kale shaki ku jiro kulankaan.

Alex Iwobi ayaa wajahaya tijaabo dheeraad ah, laakiin Santi Cazorla, Francis Coquelin, Danny Welbeck iyo Calum Chambers ayaa dhamaantood dhaawac ku maqan.

Wenger ayaa awoodi doona inuu dib ugu yeero dhowr ciyaaryahan oo ka mid ah ciyaartoyda koowaad ka dib markii la nasasiiyay kulankii Europe League.

Alexandre Lacazette, oo ah ciyaaryahankii ugu horeeyay ee gool dhaliya afartiisa ​​kulan ee ugu horeysa Emirates Stadium horyaalka Premier League kooxda Arsenal tan iyo 1958dii ayaa diyaar u ah ciyaartan

Brighton waxaa ka maqnaan doona Hemed oo ganaaax ah ka dib markii lagu helay dambi ah inuu si qaldan uu ula dhaqmay xiddiga Newcastle DeAndre Yedlin.

Glenn Murray ayaa laga yaabaa inuu ku lug yeesho kulanka Arsenal ka dib dhaawac canqowga ah uu kasoo laabtay, laakiin Sam Baldock, Steve Sidwell iyo Beram Kayal ayaa weli dhaawacan.

Goolahye Tim Krul ayaa laga yaabaa inuu kusoo laabto shaxda kooxdiisa cusub, iyadoo Mathew Ryan keydka ku laaban doono.

XAQIIQADA KULANKA

Gunners ayaa badisay afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay kooxda Brighton tartamada oo dhan, seddex ka mid ah afartaas guul waxay ahaayeen tartanka FA Cup.

Arsenal ayaan laga badinin kulan Premier League ah bisha October tan iyo 2002dii, markaasoo guul darro 1-0 ah ay kasoo gaartay kooxda Blackburn – tan iyo markaasna lagama badin 26 kulan oo bishaan oo kale ay ciyaartay.

Tababare Arsene Wenger ayaa haatan ku guuleystay 44 kooxood oo kala duwan oo uu ku wajahay Premier League.

Haddii uu ka guuleysto kulankaan kooxda Brighton waxay u noqon doontaa kooxdii 45aad ee uu kaga badiyo Premier League isagoo tababare ah.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Arsenal: Cech; Koscielny, Mustafi, Monreal; Bellerin, Ramsey, Xhaka, Kolasinac; Ozil, Lacazette, Sanchez

Brighton:Ryan; Bruno, Duffy, Dunk, Suttner; Knockaert, Stephens, Gross, Propper, March; Murray

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS