FALLANQEYN: Barcelona VS Las Palmas- Kooxda Laga Badin Waayay Ee Bulgrana Oo Tijaabo Adag Wajaheysa Galabta


Kooxda hogaanka u heysa La Liga ee Barcelona ayaa dooneysa inay kordhiso rikoorkeeda ugu fiican ee ay ku bilwoday xilli ciyaareedka cusub ee Ernesto Valverde marka ay soo dhaweynayaan kooxda Las Palmas.

Kooxda reer Catalan ayaan wali dhinaceeda dhulka la dhigin, halka sidoo kale ay labo guul gaartay labo kulan oo ay ka ciyaartay tartanka Champions League.

Lional Messi ayaa kujira qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee uu ku bilowdo Horyalka La Liga, isagoo haatan dhaliyay sagaal gool lixdii kulan ee ugu horeysay.

OGEYSIISKA CIYAARTA

Garoonka:  ​Camp Nou

Saacada: 5:15 PM

MAXAA CUSUB?

Tababaraha Barcelona Valverde ayaa la rajeynayaa inuu dib ugu soo laabto qaab ciyaareedkiisa 4-3-3, taasoo la micno ah in Denis Suarez uu kula biiri karo weerarka Luis iyo Messi.

Paulinho oo saameyn fiican ku yeeshay markii uu kursiga keydka kasoo kacay kulankii Portugal, waxaa laga yaabaaa inuu kusoo bilowdo kulanka galabta.

Javier Mascherano iyo Samuel Samuel ayaa sidookale kala ku dagaaalamaya shaxda daafaca dhaxe ee kooxda Barcelona.

Dhanka kale, Andres Iniesta ayaa loo doorbidaya khadka dhexe ee Barcelona inuu ka ciyaaro 80 daqiiqo kulankii Lisbon, waxaana ay u badan tahay inuu markale fursad heli karo.

Barcelona ayaa badisay 15kii kulan ee ugu dambeyay oo ay gurigooda ku ciyaareen, iyagoo dhaliyay ugu yaraan labo gool kulan kasta, sidaasi darteed Las Palmas ayaa wajaheysa tijaabo adag kulanka galabta.

xiddiga Navarro ayaa ku soo bilaaban doona daafaca bidix, isagoo bedeli doona ninka dhaawacan ee Pedro Bigas.

Kooxda martida ah waxaa ka maqan Sergi Samper, Alen Halilovic iyo Vitolo, iyo Remy oo haatan ku dhibtoonayo taam ahaanshihiisa.

XAQIIQADA KULANKA

Labada kooxood ayaa 10 jeer ku kulmay La Liga tan iyo qarnigii 19aad, iyadoo Barcelona ay badisay sideed kulan islamarkaana labo kulan ay barbaro gashay.

Labada barbar dhac ayaa yimid 15-kii sano ee la soo dhaafay, laakiin tan iyo markaas Barcelona ayaa badisay afar jeer oo isku xiga,

Markii ugu dambeysay ee ay is wajahaan labadaan koox bishii May, Barcelona ayaa 4-1 ku badisay ciyaar ka dhacday Gran Canaria.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Barcelona:Ter Stegen; Semedo, Pique, Mascherano, Alba; Rakitic, Busquets, Paulinho; Messi, L.Suarez, D.Suarez

Las Palmas:Chichizola; Macedo, Lemos, Bigas, Navarro; Viera, Castellano, Aquilani; Tannane, Calleri, Tana

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS