PSG oo ku bar baratay Bayern cayaar Neymar iyo Cavani shabaqa soo taabteen


Kooxda PSG ayaa fariin cad u dirtay dhamaan kooxaha kale ee xili cayaareedkan koobka horyaalada Yurub hami kaga jiro.

PSG 3-0 ayay ku xaaqday kooxda Bayern Munich kulan naadiga Paris bandhig qurux badan muujisay siweyna u awood sareesay.

Neymar ayaa daqiiqadii 2-aad abuuray goolka uu Dani Alves kulankaan ku daah furay xili hore ayaana Bayern laga naxsaday.

PSG awoodeeda ayay gool labaad kula timid waxaana cayaarta 2-0 ka dhigay Edinson Cavani daqiiqadii 31-aad asigoo cagta si xoogan ula helay kubad uu si qurxoon kaga soo shaqeeyay Mpabbe.

Bayern Munich fursado badan oo goolal loo filan karay ayay iska qasaarisay sidoo kalena macalin Ancelotti shaxdii uu qalday dib wuu u sixi waayay.

Markii la isku soo laabtay Bayern oo gool raadis ku jirto waxaa toos u quusiyay Neymar oo cayaarta 2-0 ka dhigay daqiiqadii 63-aad markalena daafacyada Bayern waxaa argagax ku riday wiilka yar Mbappe.

Kulankaan ayaa kusoo idlaaday 3-0 PSG guusha ku qaadatay sidoo kalena Bayern waxaa ku dhacday guuldaro culus.

PSG haatan waxay leedahay 6-dhibcood ayadoo labada kulan guuleesatay halka Bayern sedex dhibcood leedahay.

Dhinaca kale naadiga Celtic oo isla Guruub B ku jirto ayaa rajo soo yeelatay madaama ay 3-0 cagta ku mariyeen naadiga Anderlecht kulan ay safar ahaayeen waxayna Celtic hada leedahay sedex dhibcood.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS