HORDHACA: BATE Borisov VS Arsenal- Arsene Wenger Oo Isbedel Weyn Ku Sameeyay Shaxdiisa


Arsenal ayaa u muuqata mid sii wadi karta bilowga wanaagsan ee xilli ciyaareedkaan kusoo gashay tartanka Europa League marka ay u safreyso kooxda ka dhisan Belarus ee BATE Borisov.

Wenger ayaa sheegay inuu isbedel ku sameyn doono shaxdiisa, iyadoo Gunners keydka galin doonto magacyo waaweyn.

Wenger ayaa xaqijiyay in hal ama labo da ‘yarta kooxda ah ay kusoo bilaaban doonaan kulanka caawa.

OGEYSIISKA CIYAARTA

Garoonka: Borisov Arena

Saacada: 8:00 PM

MAXAA CUSUB?

LONDON, ENGLAND - SEPTEMBER 20:  Jack Wilshere of Arsenal in action during the Carabao Cup Third Round match between Arsenal and Doncaster Rovers at Emirates Stadium on September 20, 2017 in London, England.  (Photo by Mike Hewitt/Getty Images)

Arsenal ayaa la fahamsan yahay inay u safartay Belarus iyadoo ay ka maqan yihiin Laurent Koscielny, Aaron Ramsey, Mesut Ozil, Alexis Sanchez, Granit Xhaka, Alexandre Lacazette, Sead Kolasinac, Hector Bellerin iyo Nacho Monreal.

Sidookale waxaa dhaawac kaga haray Alex Iwobi, Santi Cazorla, Francis Coquelin, Calum Chambers iyo Danny Welbeck, taas oo macnaheedu yahay in Ainsley Maitland-Niles iyo Reiss Nelson ay kusoo bilaaban karaan kulankaan.

XAQIIQADA KULANKA

LONDON, ENGLAND - SEPTEMBER 20: Theo Walcott of Arsenal celebrates scoring his sides first goal with his Arsenal team mates during the Carabao Cup Third Round match between Arsenal and Doncaster Rovers at Emirates Stadium on September 20, 2017 in London, England.  (Photo by Mike Hewitt/Getty Images)

Kulankan ayaa noqon doona kulankii ugu horeeyay ee tartan rasmi ah ee dhexmara labada kooxood, halka sidoo kale uu noqon doono kulankiisii ugu horeeyay ee Arsenal ku ciyaarto Belarus.

BATE Borisov ayaa kulankii ugu horeyay koox Ingiriis ah ku wajahday wareega group-yada Europa League xili ciyaaareedkii 2009-10, markaasoo qasaaro ay kala kulmeeen kooxda Everton.

BATE ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 12kii kulan ee ugu dambeyay oo ay gurigooda ku ciyaareen tartamada yurub.

Arsenal ayaa shabaqa soo taabatay 11kii kulan ee ugu dambeyay ee ay marti ahaayeen tartamada yurub, laakiin waxa ay ku guuleysteen kaliya inay shabaqa ilaashadaan labo kulan oo oo xiriir ah.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS