Guruub D: Juve iyo Barcelona oo guulo muhiim ah gaareen


Guruub D waxaa hogaanka u heyso naadiga Barcelona oo 1-0 guusha kaga soo qaadatay naadiga Sporting Lisbon.

Juventus ayaa sidoo kale wadad guulaha kusoo laabatay kadib markii ay 2-0 Olympiacos ku dubteen.

Kooxda Lisbon guuldarada Barcelona ay kala kulantay iyada ayaa isku eedeyso madaama daafaceeda Sebastian Coates uu goolka iska dhaliyay daqiiqadii 49-aad.

Barcelona 1-0 guusha ay ku qaadatay waxay ka dhigan tahay inay haatan leedahay 6-dhibcood hogaanka u heyso Guruub D koobka horyaalada Yurub.

Kooxda Juventus 2-0 guusha ay Olympiacos kaga qaadatay waxay kaga mahad celinee xidigaheeda Gonzalo Higuain oo daqiiqadii 69-aad dhaliyay gool iyo Mario Mandzukic oo daqiiqadii 80-aad cayaarta dhinac u riday.

Juve haatan waxay leedahay sedex dhibcood ayadoo kasoo kabatay kulankii kowaad Guruubkaan guuldaradii ay Barcelona kala kulmeen.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS