WARBIXIN: Qaab Ciyaareedka Saboolka Ah Ee Cristiano Ronaldo Ma Saameyn Karaa Tartanka Ballon d’Or Ee Messi & Neymar?


Labada ciyaaryahan ee kula tartamaya abaalmarinta Ballon d’Or laacibka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa kujira qaab ciyaareed sare , laakiin xiddiga Portugla waxa uu cagaha kula jiraa xaalad niyad jab ah.

Ronaldo ayaa doonaya inuu ilaawo qaab ciyaareedkiisii wanaagsanaa ee xilli ciyaareedkii hore xili Real Madrid ay dooneyso inay markeedii seddexaad oo isku xiga ku guuleysato tartanka Champions League.

Xiddiga reer Portugal ayaa kula tartami doona aabaalmarinta Ballon d’Or ciyaaryahanka ugu qaalisan kubadda cagta ee Neymar iyo ninka laga yaaban yahay xili ciyaareedkaan ee Lionel Messi.

Laakiin wax kasta waxaa ka weyn in Ronaldo uu masuul ka ahaa rikoorkii Rea Madrid kuwada qaaday La Liga iyo Champions League muddo 59 sanno ah kadib.

Natiijada sawirka Champions League REal Madrid 2017Si kastaba ha ahaatee, qaab ciyaareedka Messi ee Barcelona iyo dareenka uu Neymar ku leeyahay Paris Saint-Germain ayaa hoos u dhigtay Cristiano Ronaldo xili ciyaareedkaan.

Dhammaan seddexda ciyaaryahan ayaa isugu soo haray musharaxiinta ku tartami doona abaalmarinta xiddiga sannadka 2017.

Cristiano Ronaldo ayaa ku guuldareystay inuu helo heerkiisa ugu sareeya  xilli ciyaareedkan, iyadoo Real Madrid ay 7 dhibcood ka hooseyso kooxda ay xofaaltamaan ee Barcelona.

5 kulan oo ganaax ah kadib Cristiano Ronaldo ayaa soo laabtay isagoo cadaadis la kulmaya xili kooxdiisa dhibaato kujirto.

Xaalada ciyaaaryahanka Portugal ayaa sii xumaatay markii lasoo gabagabeeyay 73 kulan oo isku xiga oo ay Real Madrid gool dhalineysay kadib markii guuldarro 1-0 ah kasoo gaartay Real Betis bartamihii todobaadkii hore.

Si kastaba qofna ma beenin karo in Ronaldo uu ku guuleysan karo abaalmarinta Ballon d’Or ka dib markii uu 10 gool ka dhaliyay tartanka Champions League wixii ka dambeeyay wareega quarter-final-ka.

Xiddiga Real Madrid ayaa 10kaaas fool u qeybiyay kooxaha Bayern Munich, Atletico Madrid iyo Juventus, markii uu kaga horyimid marxalada quarter-final-ka, Sem-filanka iyo Finalka.

Messi ayaa ka caawiyay Barcelona in ay badiso lix kulan oo xiriir ah horyaalka La Liga iyagoo sidookale Juventus 3-0 ku garaacay tartanka Champions League.

Laacibka Argentina waxa uu dhaliyay 12 gool 9 kulan oo uu u saftay Barcelona tartamada oo dhan xili ciyaareedkaan.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS