HORDHACA: Arsenal VS West Bromwich Albion- Sanchez & Mesut Ozil Oo La Ciqaabi Karo Iyo Lacazette Oo Rikoor Dhigi Kara


Arsenal ayaa isha ku heysa inay sii wadato qaab ciyaareedkeedii ugu dambeeyay marka ay kusoo dhaweynayaan caawa garoonka Emirates Stadium kooxda West Bromwich Albion.

Kooxda Arsene Wenger ayaa badisay seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan, inkastoo 7 dhibcood oo kaliya ay ka heleen shanta kulan ee ugu horeysa Premier League ah xilli ciyaareedkan.

OGEYIISKA CIYAARTA

Gaaroonka: Emirates Stadium 

Saacada: 10:00 PM

MAXAA CUSUB?

Arsenal ayaa waxaa ka maqnaan doona Danny Welbeck seddex isbuuc ka dib markii ciyaaryahanka reer England uu dhaawac soo gaaray kulankii Chelsea ee isbuucii hore.

Si kastaba ha ahaatee, Mesut Ozil ayaa diyaar u ah kulanka Gunners ee caawa ka dib markii uu kasoo kabsaday dhaawacii uu ku seegay kulankii Stamford Bridge, waxaana laga yaabaa inuu ka garab ciyaaro Sanchez iyo Alexandre Lacazette.

Jack Wilshere iyo Theo Walcott ayaa taam ah, inkastoo Calum Chambers uusan diyaar u aheyn kulankaan ka dib markii uu dhaawac kasoo gaaray kulankii EFL Cup ee habeenkii Arbacada.

Dhanka West Brom, Jake Livermore ayaa la rajeynayaa inuu dib u soo laabto kooxda ka dib markii uu fasax yar qaatay isbuucaan, halka Gareth Barry uu ciyaari doono madaama ciyaaryahanka khadka dhexe uu qarka u saaran yahay inuu noqdo xiddiga ugu safashada badan Premier League.

Salomon Rondon ayaa sidoo kale kusoo laaban kara shaxda tababare Pulis halka Jay Rodriguez keydka kusoo laaban karo.

XAQIIQADA KULANKA

West Brom ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah labadii kulan ee ugu dambeysay Premier League oo ay ku wajahday Arsenal, waxaana kujira guushii  3-1 aheyd oo ay ka gaareen xili ciyareedkiihore.

Arsenal ayaa 1-0 ku badisay Emirates xilli ciyaareedkii hore, Gunners ma aysan guul darreysan iyadoo Baggies ku wajaheysa gurigeeda kulan Premier League ah tan iyo September 2010.

Arsenal ayaa badisay lix kulan oo isku xigta oo ay gurigeeda kula ciyaartay kooxda West Brom Premier League, waxaana laga dhaliyay kaliya hal gool.

Alexandre Lacazette ayaa noqon kara ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Arsenal ee goolal dhaliya sedaxda kulan ee ugu horeysa horyaalka isagoo ku ciyaaraya gurigiisa tan iyo Brian Marwood bishii oo sidaas sameeyay September 1988.

SHAXDA MACQUULKA AH

Arsenal:Cech; Monreal, Mustafi, Koscielny; Bellerin, Xhaka, Ramsey, Kolasinac; Sanchez, Lacazette, Ozil

West Brom: Foster; Dawson, Hegazi, Evans, Gibbs; Barry, Krychowiak, Livermore; Philipps, Rondon, Rodriguez

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS